Skip Ribbon Commands
Skip to main content

“Trace the Face” - Muhaajiriinta Yurubka ku suganDib u soo Celinta la-Xiriirka Qoyska

Bogga Hore
​​

SIDEE BAY U SHAQAYSAA?



Waad raadin kartaa reerkaaga

Trace The Face waa sawir kaydiye khadka tooska ah oo leh kumanaan sawirro ah oo dad raadinayaan qoyskooda.

Haddii adiga ama ehelladaada aad u haajirteen Yurub oo xiriirki kaa lumay, waxaad si toos ah midba midka kale uga raadsan kartaan Trace the Face, meel kasta oo aad dunida ka joogtaan: ha ahaato Afghanistan, Senegal, Ethiopia, Syria laakiin sidoo kale Faransiiska, Boqortooyada Ingiriiska, Sweden ama Jarmalka.

Macluumaadka kaliya ee laga heli karo khadka tooska ah waa sawirada dadka iyo xiriirka qoyskooda ee qofka ka maqan. Hadaad aqoonsanatay qof, waad qori kartaa farriin si ay ula xiriiraan shaqaalaha kiiskooda.



BILOW RAADINTAADA!



Waxaad fursad siin kartaa eheladaada si ay ku helaan

Haddii aadan helin sawirkii ehelkaaga, fadlan la xiriir Laanqeyrta Cas ee wadanka ama ururka Bisha Cas ama xafiiska ICRC si aad u hesho caawimaad.

Koox u heellan baarista dadka maqan ayaa si taxaddar leh ula dhaqmi doona codsigaaga. Waxay kuxiran yihiin hay'adaha kale ee Laanqeyrta Cas ee wadanka ama ururka Bisha Casta ama Kooxaha ICRC adduunka oo idil oo iyagana caawin kara.

Shaqaaluhu waxay arurin doonaan dhammaan macluumaadka iyo xogta faa'iido u leh raadinta ehelkaaga maqan. Xogtan lagama heli doono qadka ama lalama wadaagi doono qofna, si loo ixtiraamo adiga asturnaantaada iyo nabadgelyada qaraabadaada maqan.

Sawirkaaga sidoo kale waxaa lagu daabici karaa Trace The Face, haddii aad rabto.

WAX DHEERI AH BARO!




​​​​​
​​

Barnaamijka Dib-u-Soo Celinta Xiriirka Qoyska


Trace the Face waa qeyb ka mid ah barnaamijka "Dib-u-Soo Celinta Xiriirka Qoyska" ee Dhaqdhaqaaqa Caalamiga ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas.

Barnaamijkan wuxuu caawiyaa qofkastoo raadinaya qaraabo lagu la'yahay dagaalka, masiibooyinka dabiiciga ah ama haajirida.

BOOQO BOGA XARIIRKA QOYSKA