Skip Ribbon Commands
Skip to main content

“Trace the Face” - Muhaajiriinta Yurubka ku suganDib u soo Celinta la-Xiriirka Qoyska

Bogga Hore

Xuquuqda Lahaanshaha iyo habka isticmaalka

< Bogga hore

Tani waa qeyb laga soo minguuriyey Xuquuqda Lahaanshaha iyo habka isticmaalka. Siyaasaddan oo dhameystiran waxaad heli kartaa iyadoo ku qoran luqada Ingiriisiga.

Xuquuqda Lahaanshaha

Guddiga Caalamiga ee Laanqeyrta Casa (ICRC) ayaa leh Xuquuqda qaabdhismeedka iyo macluumaadka ku jira websiteka xiriirka qoyska (familylinks.icrc.org), marka laga reebo haddii si kale loo qeexo. Waa in aadan ganacsi ahaan u isticmaali ama u daabicin qoraal, sawir, codad maqal, astaan ama jaantusyo adigoon ogolaansho ka heysan ICRC-da.


Habka isticmaalka

Si loo bixiyo adeegyada isu baadigoobka qoysaska maqan, warbixinada gaar ah (sida warbixinada dadka maqan iyo qoysaskooda, dadka nabadda qaba ee badbaadsan oo xaladoodu fiican tahay, kuwa dhaawaca ah ama dhintey) ayaa la ururin karaa laguna daabici karaa websitekan iyadoo la eegayo danaha ka faa’iideystayaasha iyo ogolaanshaha isticmaalayaasha.

Waa in aadan u minguurin, u isticmaalin ama u faafin warbixinada gaarka ah si ka duwan ujeedada xiriirka qoyska ama aadan u faahfaahin waxa ay ku sugan yihiin dadka maqan. 


Xiriirka

Fadlan codsiyada iyo su’aalaha ku soo hagaaji ICRC Nayroobi.

< Bogga hore