Skip Ribbon Commands
Skip to main content

“Trace the Face” - Muhaajiriinta Yurubka ku suganDib u soo Celinta la-Xiriirka Qoyska

Bogga Hore

Maclumaadka asalka

Qoysaska Yurub ka raadinaya qaraabadooda lumay

Sanad kasta Ururrada Qarameedka ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas iyo ICRC ba waxaa la xiriira boqolaal qoys oo waayay qaraabadooda.

Adeegyadaa Baafinta bani'aadamnimada ah ee hay’adahaan waxay isku dayayaan in ay qoysaskaas ka caawiyaan dib u helidda xubnahooda.

Hase yeeshee raadinta inta badan way adag tahay, tusale ahaan waxaa sabab u ah:

  • dadka weli safar ayeey ku jiraan, mana haayaan hoy joogto ah

  • dadka mararka qaarkood waddanka cusub ay hadda ku nool yihiin si rasmi ah lama diiwaangalin

  • luuqadaha kala duwan waxay saameyn karaan habka dadka loo diwaangaliyo, sidaas darteed waxaa dhici kartaa in magaca qofka si fudud ah loo heli karin (waxaa laga yaabaa in magaca loo qoro ama loogu dhawaaqo si kale taasi oo ay ku xiran tahay luuqadda maxalliga)

Bartaan ee Internet-ka (oo Ururrada Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas iyo ICRC taageeraan) wuxuu jeclaan lahaa in qoysaska uu siiyo fursad ay ku raadiyaan kuwa ay jecel yihiin si firfircoon ah: qoysaska waxay sawirkooda soo dhigi karaan barteena, buugaagga yar yarka iyo sawirlooxaha ee hay’adahaan isticmaalaan si ay u helaan xubnaha qoyska oo lumay.



La soo xiriir Laanqayrta Cas ama Bisha Cas

Fur bogga xogta xiriirka

Barta Internet-ka ee La-Xiriirka Qoyska

Bartaan waxaa leh familylinks.icrc.org. Waxaa lagu talagalay dadka la waayey xilliyada dagaallada, aafooyinka dabiiciga ah ama hijrada.