Skip Ribbon Commands
Skip to main content

“Trace the Face” - Muhaajiriinta Yurubka ku suganDib u soo Celinta la-Xiriirka Qoyska

Bogga Hore

Trace the Face (Raadi Wejiga) - Su'aalaha Badanaa la is Weydiiyo (FAQs)

Trace the Face ma meel kastaa laga helaa?

Barta Internet-ka ee Trace the Face, waa meel aad ka fiirin kartaa sawirka qaraabada, meel kastana waa laga heli karaa. Oo weliba Ururada Qaraameed ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas amaba xafiiska ICRC ayaa sawirkaaga bartaan gelin karaan. Haddii aad rabtid in aad ogaatid liiska ugu dambeeya ee waddamada ka qayb galaan, eeg:
https://familylinks.icrc.org/europe/dr/Pages/participating-countries.aspx.

Waxaad kale la xiriiri kartaa xafiiska Laanqayrta Cas ama Bisha Cas ama ergada ICRC si aad u ogaatid meesha adeeggan laga helo. Xataa hadii xafiiska Laanqayrta Cas ama Bisha Cas maxalliga ah ay san ka qayb qaadan Trace the Face, weli shaqaalahooda way kaaga caawin karaan diwaangelinta codsiga baafinta.


Sidee buu u shaqeeyaa?

Waa maxay sababta aan u isticmaali lahaa Trace the Face?

Hadii aad ku jirtid barnaamijka Trace the Face waxaad kordhin kartaa fursadaha aad ku heli laheyd qaraabadaa. Internetka oo dhan waa meesha keli oo hal ujeeddo leh: in la caawiyo muhaajiriinta iyo qoysaskooda si ay is helaan.

Sidee baan sawirkayga gelin karaa Trace the Face?

Waa in aad tagtaa xafiiska Laanqayrta Cas ama Bisha Cas amaba ergada ICRC ee waddanka aad ku nooshahay. Shaqaalaha halkaas ka shaqeeya ayaa kaaga caawin doonaan dhanka diwaangelinta codsiga baafinta si la isku dayo in la helo qaraabadaa. Waxay kale shaqaalahaas ku waydiin doonaan haddii aad rabtid in aad isticmaashid barnaamijka Trace the Face. Waxaad dooran kartaa haddii dadweynaha isticmaalaya barnaamijka ay wejigaaga ka arki karaan barta internet-ka ee TraceTheFace.org, ama hadii shaqaalaha adegga baafinta ee ICRC iyo Ururada Qarameedka ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas dunida oo dhan oo keliya ay arki karaan.

Waa maxay sababta aad u baahan tihiin sawirkayga, ka dibna halkee ayaa lagu soo bandhigi doonaa?

Sidii magaca uu sheegayo, Trace the Face wuxuu isticmaalayaa sawirkaaga si lagaaga caawiyo helitaanka xubnaha qoyskaaga. Sawirkaaga wuxuu ku soo bixi doonaa barta internet-ka ee Trace the Face iyo sawirlooxyo iyo buugaag yar yare e waddamo farabadan, si loo kordhiyo fursadaha aad ku heli leheed qaraabadaa. Laakiinse haddi aadan rabin in sawirkaaga la baahiyo, markaas waxaa sawirkaaga arki karaan dadka ka shaqeeyo adeegyada baafinta ee ICRC iyo Ururada Qarameedka ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas keliya markii ay baarayaan liisaskooda iyo kaydka xogta.

Immisa ayaan sugi doona ilaa uu ka soo baxo sawirkayga?

Markii codsigaaga la aqbalo, sawirkaaga waxaa la gelin doona barta internet-ka wuxuuna ka muuqan doona muddo dhawr saacadoon ka dib. Barta internet-ka waa qulqulka ugu muhiimsan ee raadinta iyo helitaanka qaraabadaa. Wixii sawirlooxa ku saabsan, waxay qaadan kartaa muddo lix bilood, sababta oo ah codsiyaad badan ayaa na soo gaaro waxaana jira liiska sugayaalka.

Sidee baan sawirkayga ka saari karaa barta internet-ka ama sawirlooxaha ama buugaagga yar yarka?

Hadii aad dooneysid in aad sawirkaaga ka saarto barta internet-ka waa in aad la xiriirtid xafiiska Laanqayrta Cas ama Bisha Cas amaba ergada ICRC ee waddanka aad ku nooshahay. Isla markaas ayaa laga saari doona mana lagu daabaci doono sawirlooxaha ama buugaagga yar yarka.

Waa maxay sababta aadan u soo bandhigin sawirka qaraabo la waayey?

Nidaamka ilaalinta xogta ee Yurubka waa mid aad u adag ah. Wuxuu hay’adaha u mamnuucayaa in ay baraha internet-ka soo dhigaan sawirada dadka gu’ weynta haddii ay san ka haynin oggolaanshadooda. Laakiinse adeegyada baafinta ee ICRC iyo Ururada Qarameedka ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas galkaaga ayeey ku hayn karaan sawirka qaraabadaada. Sawirkaasi dadweynaha loo ma soo bandhigi doono.

Yaa ka qayb qaadan karaa hawlgalka raadinta?

Taasi waxay la xiriirtaa wixii aad rabtid iyo khuusayntaada, hawlgalka raadinta waxaa ku mashquuli karaan Urruro Qarameed ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ee waddamada kale, ergooyin ICRC ah, masuuliyiinta dowladda, ururrada bulshada rayidka ah iyo ururrada caalamiga ah. Adiga ayaa go’aansanaya haddii aad rabtid in aad la wadaagato maclumaadkaaga shaqsiyeedka ah ama in kale.

Maxaa dhici karaa haddii aan raadinayo qof saaxiib ah oo aan qaraabo ahayn?

La xiriir qoyska saaxiibkaa kana codso in ay la xiriiraan xafiiska Laanqayrta Cas, Bisha Cas ma ICRC meel kasto ee adduunka si ay u diwaangeliyaan codsasho baafin ah.

Sidee baan idin gacan ka siin karaa hawlaha aad qabataan?

Habka ugu wanaagsan ee aad naga taageeri kartaa Trace the Face waa hadii aad barnaamijkaan bulshada u faafiso. Haddii dad badan ka war haayaan ayna booqanayaan bogga internetka, waxaan yeelan doonaa fursado badan si aan qoysaska isku mideyno.


Sir ku aaminta

Waa maxay maclumaadka aniga ku saabsan oo lala wadaagi doonaa?

Barta internet-ka wuxuu muujin doonaa sawirkaaga keliya. Magacaaga iyo xogta shakhsiga laguma soo bandhigi doono.

Annagoo horay oggolaanshadaada kaa helnay ayaan macluumaadkaaga ee aqoonsashada (magaca, da’da, jinsiga iyo taariikhda dhalashada) ula wadaagi karnaa wada-hawlgalayaasha sida mas’uuliyiinta dowladda iyo ururrada kale, si ay raadis dheeraad ah u qabtaan si la helo qaraabadaada.

Dhammaan maclumaadka kale oo aad bixisay markii la diwaangelinayey codsigaaga baafinta ah, sida meesha aad ku nooshahay ama faahfaahin ku saabsan sida uu xiriirkiina kala go’ay, waxaa hayn doono Dhaqdhaqaaqa Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas marnaba lama wadaagi doonaan ama dadweynaha u soo bandhigi doonaan.

Yaa heli karo ama weydiisan karo macluumaadkeyga shakhsiyeedka ah?

Sidii aan kor ku sharaxnay, adigoo oggolaanshadaada na siisay, wada-hawlgalayaasheena ayaa heli karaan macluumaadkaaga shakhsiyeed ee aasaasiga ah. Laakiin saraakiisha baafinta ee ICRC iyo kuwa Ururada Qarameed ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas ayaa heli karaan maclumaadkaaga oo dhan iyo xogtaada shakhsiga ah. Sarkaalka baafinta ayaa xog dheeraad ah ku siin doono markii aad diwaangelinayso codsashadaada.

Sidee baan u hubsan karaa in xogta aniga iyo qaraabada ku saabsan la ilaalin doonaa?

ICRCda iyo Ururada Qarameed ee Laanqayrta Cas iyo Bisha Cas waxay la macaamilayaan macluumaadka xasaasiga ah muddo tobannaan sano, iyadoo ujeeddadooda kaliya ay tahay in la hagaajiyo nolosha dadka. Nidaamkeena tiknoolajiyadda macluumaadka wuxuu raacaa heerka ugu sareeya ee ilaalinta xogta. Intaa waxaa dheer, qaabka sharciga ee Yurub waa mid aad u ilaaliya iyo u ixtiraamaya sirta maclumaadka shakhsiyeedka ah.


Marka la helo

Sidee ayaan ku heli doonaa jawaabta?

Haddii qof uu aqoonsado sawirkaaga, ama shabakada Trace the Face ay aqoonsadaan isku eegid suurto gal ah, waxaa kula soo xiriiri doono Ururka Qarameed ee Laanqayrta Cas ama Bisha Cas ama ergada ICRC. Sidaas darteed, fadlan, nala socodsii isbeddel walba ee la xiriirkaaga (tusaale- cinwaankaaga, nambarka telefoonka) ama haddii qaraabo maqan aad isla hadasheen.

Sidee baan u cusbooneysiin karaa macluumaadka?

Si aad u cusbooneysiiso maclumaadkaaga, fadlan la xiriir xafiiska Laanqayrta Cas ama Bisha Cas ama ICRC ee waddanka aad ku nooshahay. Xafiiska kuu dhow waxaad ka ogaan kartaa bartaan: https://familylinks.icrc.org

Mudo intee ayay qaadan doontaa in la helo qoyskeyga?

Ma sheegi karno intii ay qaadan karto. Haddi qaraabo maqan nala soo xiriiro isla markaas ayey noqon kartaa. Haddi kale waxay qaadi kartaa muddo dhawr bilood. Waan isku taxaluujin doonnaa inaanu ku caawino si aad sida ugu dhaqsaha badan u heshid qaraabadaada.

Maxaan sameeyaa haddii aan arko qaraabo sawirkiisa?

Haddii aad sawirlooxa ku aragtid qaraabo sawirkiisa, fadlan la xiriir xafiiska Laanqayrta Cas ama Bisha Cas ama ICRC ee waddanka aad ku nooshahay.

Haddii aad barta internet-ka ku aragtid qaraabo sawirkiisa, riix “Ma ka war haysaa?” markaasna buuxi foomka soo furmo. Sarkaal baafinta ayaa kula soo xiriiri doono sida ugu dhaqsaha badan.

Maxaa dhici kara haddii qof aan rabin in aan la xiriiro uu arko sawirkayga?

Haddii aad go’aansatay in sawirkaaga lagu soo bandhigo barta internet-ka, markaas qof walba ayaa arki karo. Haddii aadan rabin in dad ay arkaan sawirkaaga waa in aad noo sheegtid in aadan rabin in internet-ka la soo dhigo. Waxaan isticmaali karnaa hababka raadinta ee caadiga ah si aan kaa caawinno inaad dib ula midoowdo qoyskaaga. Si kastaba ha ahaatee, dhinaceena mar walba oggolaanshadaada ayaan ku waydiin doonnaa intii aanan faafin maclumaadka adiga ku saabsan.

La soo xiriir Laanqayrta Cas ama Bisha Cas

Fur bogga xogta xiriirka

Barta Internet-ka ee La-Xiriirka Qoyska

Bartaan waxaa leh familylinks.icrc.org. Waxaa lagu talagalay dadka la waayey xilliyada dagaallada, aafooyinka dabiiciga ah ama hijrada.